X

Kooxda beesha caalamka oo inqilaab diyaarinaysa: WARBIXIN

Waxa muddo sanada muran la geliyay doorashada dalka ee dadban waxana taas lagu macneeyay in la diyaariyo inqilaab xeeladaysan oo lagu rido madaxweynaha. ”Ma dheera xilliga xukunka la tuurayo Farmaajo ayuu gaalka weyn ee Matt Bryden ee dawladu dalka ka eriday.


”Galka weyn waxa ku daba jira oo ka dambeeya kooxda sheegata beesha caalamka oo aad uga walaacsan halka dalku ku socdo ee ah inuu gacantooda ka baxayo ayuu yiri Cali Calasow.

Faaiido nooguma jirto in madaxweyne Farmaajo dib loo doorto ayuu yiri afhayeen u hadlay kooxda Xalane oo magaciisa qariyay. Waxa ka socda geeska Afrika ee Abii Axmed uu eryaday TPLF waxay wax weyn u dhibaysaa danaha waaweyn ee dawlada Maraykanka.


”Muhiimada ugu weyn ayaa ah in la daawado maalmaha iyo bilaha soo socda sida uu isku bedelo inqilaabka hadda lagu soo qaaday qaranimada dalka ayuu raaciyay Cali Calasow.

Maaha markii ugu horeysay oo kooxdan beesha caalamku sheegtay inayna la dhacsanayn siyaasada madax banaan ee madaxweyne Farmaajo la yimi ayna jecelyihiin mid dabadhilif u ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.