X

Itoobiya oo faahfaafisay Tigreega ay sii deysay kuwa ay yihiin

Itoobiya ayaa shalay fasaxday qaar ka mida maxaabiista Oromada ee u xirnaa dembiyo la xiriira qalqal siyaasadeed oo uu ku jiro siyaasiga Jahar Maxamed iyo dhowr nin oo Tigreeya.


”Dadka la sii daayay waa dad aan welli la xukumin oo aan gaarin heerka xukunka laakiin ku jirey nidaamka cadaalada waxana ku jirey Jahar Maxamed ayuu yiri wasiirka cadaalada.

Waxa kale oo aan sii deynay rag ka tirsan ururka Tigreega oo iyagu aan ka mid ahayn hogaanka dhexe ee TPLF, waxayna ku jireen nidaamka cadaalada lamana xukumin ayuu raaciyay wasiirka cadaalada. Waana laba nin oo da’ jooga kuna sugan xaalad cafimaad.



Wasiirka cadaalada ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ayna ku jirin dhiigmiiratada TPLF iyo hogaankooda dhexe. Jahar Maxamed ayaa la sheegay in lagu daray ilaalo gaysa gurigiisa ku yaal Addis ababa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.