X

Kooxda Cabdi Xaashi oo hadda soo saartey inaan cad weyn loo goynin

Kooxda yar ee uu hogaamiyo Cabdi Xaashi ee iyagu raba in kuraasta reer Woqooyiga lagu wareejiyo ayaa hadda sheegay inaan cad weyn la siinin oo saxiixa berito ayna ku faraxsanayn.

Cabdi Xaashi oo la kulmay raiisal wasaaraha ayaa markii hore ku farxay cadka weyn ee la siiyay asagoo ka soo jeeda beelyar oo ka tirsan ISAAQ ayaa raba in beelaha kale oo dhan lagu wareejiyo.


“ Hadaba waxaanu u cadeynaynaa shacabka Soomaaliyeed, Saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamkaba in aannaan ilaa hadda ka qaybgelin, wax talo ahna ku lahayn, wax xog ah oo suganna ka haynin qaabka loo waajahay arrinta doorashada xubnaha Somaliland, Sidaas awgeed waxaanu caddeynaynaa in aanaan qayb ka ahayn go’aamada shirka ka soo baxa haddii shirku sidaas ku dhammaado. Waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonnaa faahfaahin iyo xogo dheeri ah oo ku saabsa qadiyadda doorashada 57 kursi ee Xildhibaanada ka soojeeda Somaliland waxaanan ka qaadan doonnaa go aanno masiiri ah ayaa lagu yiri” Qoraalka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi.


Shirka doorashada ayaa la filayaa in maanta la saxiixo iyadoo aan waxweyn laga bedelin wixii hore loogu heshiiyay. Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu banaanka taagan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.