X

Masar oo Jabuuti la soo gaartey caawimo farabadan

Madaxweynaha Masar ayaa amray in Jabuuti lala soo gaaro caawimo ay ku jirto cunto iyo daawooyin iyo qalabka caafimaadka. Masar ayaa muran biyo xireen ay ka dhexeeyaaan iyada iyo Itoobiya.


Madaxweynaha Masar ayaa berito oo Khamiisa ku beegan Jabuuti halkaas oo uu wadahadal la yeelanayo fadhiid Ismaaciil Cumar Geelle oo ku fashilmay inuu Jabuuti horumar gaarsiiyo.

Jabuuti ayaa dalxiiska oo keliya ka heli lahayd shaqo abuur farabadan waxase garasho la’aani ay halkaas dhigtey fadhiid Ismaaciil Cumar Geelle.


Masar ayaa sheegtay inay Jabuuti ka wada shaqayn doonaan dhinaca ganacsiga ayadoo Masar rabto inay bangi iyo isbitaal ka furato Jabuuti. Waxay kaloo rabtaa inay maciishadeeda ka iibiso gobolka isla markaana u tababarto wadaado ka hortaga xagjirka.


Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee Masar ka socda oo booqda Jabuuti. Saxaafada Masar ayaa qoreysa in ay ka wada hadli doonaan arimaha gobolka. Jabuuti ayaa waxa saldhig ku leh dhamaan quwadaha aduunka sida Maraykanka iyo Shiinaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.