November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Kooxda Chelsea ee Ingiriiska oo ku guulaysatay horyaalka naadiyada Ingiriiska+SAWIRO

London–Kooxda kubada cagta ee Chelsea ee ka dhisan dalkaasi Ingiriiska ayaa ku guulaysatay horyaalka naadiyada Ingiriiska kadib markay shalay hal iyo eber kaga badisay kooxda Crysal Palace ee Koofurta London. Chelsea oo uu tababare u yahay ninka kacsan ee Bortaqiiska ah Moriiniyo ayaa markale u qaaday horyaalka dalka Ingiriiska.

Moriiniyo oo uu jecelyahay ninka Ruushka ah ee leh kooxda ayaa sheegay in uu joogayo Chelsea ilaa iyo inta uu rabo ninkaasi Ruushka ahi. Chelsea ayaa waxa boqolkiiba 98 ay yihiin ciyaaryahanada u ciyaara kuwo ajaaniba.

Horyaalka Ingiriiska ayaa ka mida kuwa hadda aadka loo daawado iyadoo ay caawinayso luqada iyo iyadoo horyaalku ku guulaystay in uu soo jiito ciyaaryahanada soo kacaya ee qaarada Yurub iyo aduunka kale inkastoo wali ayna gaarayn ciyaaraha Spain, Talyaaniga iyo Jarmalka.

Eden+Hazard+Chelsea+v+Crystal+Palace+Premier+qGVtB2d-bGpl[1] Eden+Hazard+Chelsea+v+Crystal+Palace+Premier+WGcTOh5zTQhl[1] Fernando+Torres+Chelsea+v+Crystal+Palace+Premier+SkX1KrZTWlil[1]Willian+Chelsea+v+Crystal+Palace+Premier+League+8N5cmN4isWsl[1]

ARAABINEWS.COM