Waxa aad loola yaabay koox sheegata madasha qaran oo ka kooban sadex jufo ay waxay doonaan iska qortaan. Kooxdan ayaa qaarkood yihiin musharixiin.
Maalin ka hor magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay shirka madasha lagana soo saaray Qodobo ay ka mid ah kuraas lagu kordhiyay maamul Goboleedyada dalka,kuwaasi oo hada muran uu ka taagan yahay.
Waxaa shirka ka dib soo baxay dhaliilo loo jeedinayo kooxdan is magacowdey ee aan ku jirin dastuur dhoodhoobka.
Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa badi sheegay in kooxdan madashu xaq u laheyn iney xubno kordhin u sameyso maamul Goboleedyada gaar ahaan Golaha Shacabka ka imaanaya.
Dhinaca kale xildhibaan hore Caasho Axmed Cabdalle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in Seddexdii xubnood ee ay lahaayeen Maamulka Khaatumo loogu daray Xisaabta Puntland.
Arintaan ayaa laga cabsi qabaa iney sii dheereyso waqtiga doorashada madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo hada hubanti la’aan ka taagan tahay xilliga ay dhaceyso.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay