X

Kooxda Manchester United ee Ingiriiska oo eridey tababarihii kooxdaas Louis V Gaal

Kooxda Manchester United ee Ingiriiska ka dhisan ayaa hadda ku dhawaaqdey in ay eriday tababarihii kooxdaas oo u dhashay Holland. Luwiis Van Gaal ayaa ah tababare caana oo ku soo guuleystey horyaalo badanb waxase uu ka seexan waayay saxaafada Ingiriiska oo dhuunta u gashay.

Saxaafada Ingiriiska ayaa dhowr jeer qortey in Luwiis la eryay taas oo been noqotey waxayna taasi dhaawacdey niyada kooxda oo hadda aad u liidata inkastoo ay sabtidii qaadey koobka degmooyinka iyo naadiyada Ingiriiska.

Ninka lagu bedelayo ayaa isaga qudhiisa laga eryay kooxda Chelsea oo uu qaaday horyaalka Ingiriiska. Ninka lagu magacaabo Moriiniyo oo u dhashay Portugal ayaa qudhiisdu ah nin qaaday koobab badan lamase garan karo sida uu u soo celin karo kooxdan hadda u eg in ay daaqada ka baxday.

Kooxaha Ingiriiska ayaa soo jiita dhalinyaro badan maadaama ay ka ciyaaraan ciyaaryahano caalami ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.