X

Kooxda sheegata beesha caalamka oo aad ugu farxay qaskii shalay ka dhacay Muqdisho

Kooxda sheegata beesha caalamka ee fadhida Xalane iyo wadamada kale ee qasaya magaalada Muqdisho ayaa aad ugu farxay qaskii kuwa ay taageeraan ka rideen magaalada inkastoo xaaladu degan tahay hadda.


Fadhiid Xasan sheekh ayaa maleeshiyo u dagaalanta soo geliyay xaafada uu joogo kadibna sheegtay inuu qabsaday meelo u dhow. Ciidanka amniga ayaa markii hilfaha u qaaday. Maleeshiyadan ayaa xirnaa dharkii hore ee ciidanka.

Kooxdan beesha caalamka ayaa iyagu raali ka ah qaska iyo qaxa magaalada waayo waxay u tahay shaqo abuur aad u weyn iyo fursad dahabiya oo ay ku sii joogaan dalka.


”Waxay si jeesjeesa ku yiraaheen joojiya rasaasta kuna soo noqda XALANE. Waxay rabaan inay madaxweynaha ka fariisiyan inaanu tartamin waana sida keliya ee ay ku hubin karaan inuu doorashada u soo baxo mid kabaha u qaada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.