X

Kooxda sheegata beesha caalamka oo markii shanaad diidey shirka beri

SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

Kooxda sheegata beesha caalamka ayaa markii shanaad diidey inay ka qayb galaan shirka madaxweynaha Somaliya ku baaqay in la qabto beri oo Khamiisa si loo dhameystiro qodobadii ka soo baxay shirkii Baydhabo kadibna loo dareero doorasho.


Labadan horjooge ee Siciid Deni iyo Axmed  Madoobe oo ka socda kooxda beesha caalamka ee rabta inay la wareegaan talada doorashada meeshana ka saaraan madaxweynaha ayaa raba in doorashada lagu qabto xarunta XALANE.

”Waxaan hore u sheegnay in kooxdani raali ka ahayn doorasho xalaala oo dalka ka dhacda waayo waxay ogyihiin in madaxweyne Farmaajo ku soo baxayo, waxayna rabaan in inqilaab hoose ay xukunka kula wareegaan kadibna u dhiibaan fadhiidyada hoos fadhiya ayuu yiri Cali Calasow.


Si kastaba ha ahaatee waxa lagama maarmaana in barlamaanku kaalintiisa qaato haddii kale waxa dhacaysa in kooxdan sheegata beesha caalamka ay diyaariso inqilaab hoose ayuu raaciyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.