X

Kooxda Xalane oo ka cabsi qabta in madaxweynaha eryo Maxamed Xuseen Rooble

Kooxda Xalane ee isku dayaysa in madaxweyne Farmaajo aanu tartamin ayaa ka walaacsan inuu eryo raiisal wasaare Gunti Giijiye Maxamed Xuseen Rooble oo sida hadda uu wax u wado ku qanacsan. Kooxdan ayaa geed lagu xirey mudadii uu dalka hogaaminaayay madaxweyne Farmaajo.


”Waxaan uga digeynaa madaxweynaha inuu eryo gunti giijiye Rooble oo bil kahor isku dhiibey Kiiniya iyo kooxda Xalane kadib markii la siiyay lacago dheeraada oo ah khidmadiisa ayuu yiri sarkaal u hadlay kooxda Xalane oo qariyay magaciisa. Waase ku dhici waayay inuu badda u saxiixo.


Gunti giijiye Rooble ayaa gebi ahaanba ka leexday hawshii loo direy ee doorashada wuxuuna toos qas ugu wadaa hawsha qaranka iyo siyaasada dalka, waana waxa ay ku jecelyihiin ee ay ku rabaan in aan la eryin.

Ninkan magaciisa qariyay ayaa sheegay in madaxweynuhu la kulmi doono cawaaqib xumo sida kicinta hurinta qabiilka ku dhisan oo maalgelin doonaan. ”Ma jirto dalka dad aan adeegsano oo noo huriya colaada qabiilka ayuu yiri sarkaalkan aan waxba qarinin.

C/llaahi Warhaye

ARAAABINEWS


admin:

This website uses cookies.