X

Uhuru oo ugaarsigii Somalida wada iyo askari Somali Kiiniyaati ah oo la waayay

Ayadoo welli la raadinayo aqoonyahan C/wahaab Sheekh oo la xaqiijay inuu amray xadhigiisa raiisal wasaare Maxamed Xuseen gunti giijiye ayaa waxa shalay oo Arbaco soo baxday in Isniintii la afduubtey askari booliisa.


Askariga booliiska oo sarkaal ah ayaa la sheegay inay afduubteen rag aan la garanayn oo dhar cada loona malaynayo inay yihiin sirdoonka Kiiniya, ayaa ilaa hadda qoyskiisu raadinayaan.

“Sarkaalka wuxuu gurigiisa ka soo tagay shantii 5-tii galabnimo wuxuu ku soo wajahnaa magaalada Nayroobi laakiin wuxuu afduubka dhacay afar saacadood kadib markii uu soo gaaray Thika Road” ayuu yiri aabaha dhalay sarkaalka la afduubtay Cumar Dida.


”Waxaan dalbanaynaa in si degdega ay dawladu u hesho cida afduubtey wiilkeyga ayuu yiri. Afduubyada iyo dilalka loo gaysanayo Somalida ayaa aad u soo batay mudooyinii dambe waxana loo aanaynayaa siyaasada labada dal.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.