X

Kordhi saliida aad soo saarto maalintii: Trump oo amrey Sucuudiga

Trump ayaa amrey Sucuudiga inuu kordhiyo saliida maalinlaha ee uu soo saaro si ay u kaafido cunaqabatayna uu saarayo Iiraan iyo Sucuudiga oo amarkaas qaatey sheegayna inay samaynayaan.


Sucuudiga ayaa Trump ku dabatukada diidina karin amarka uu bixiyo. Dagaalka Wahaabiyada Sucuudigu kula jirto dalka fiqiirka ah ee Yaman waxa boqolkiiba boqol weerarada fuliya bayloodyo Yuhuuda iyo Maraykanka ka socda sida ay qoreen warbaahinta Maraykanku.


Cunaqabatayna Trump saarayo Iiraan ayaa fashilantey ayadoo wadamada badankoodu diideen inay saaraan ilaa la helo qaraar ka soo baxa Qaramada Midoobey taas oo Trump heli karin.

Burburka Muslimiinta haysta ayaa inta badan ay ka yimaadaan Wahaabiyada Sucuudiga iyo xulafadiisa ayagoo ku xiran Yuhuuda iyo Maraykanka.


Warbaahinta Sucuudiga ayaa qariyay hadalka Trump banaanka soo dhigey inay sheegaan kuna tilmaamey mid looga hadlayay korodhka saliida.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.