X

Suldaan Wabar soo rogaal celi maxaase laga filan karaa kacdoonkiisa

Suldaan Wabar soo rogaal celi maxaase laga filan karaa kacdoonkiisa. Waxaa maalin dhaweyd sii deynayn hadalkii ugu dambeeyay ee Suldaan Wabar bixiyo muddo sanad ku dhow. Suldaanka ayaa Itoobiya intiisa badan joogey kadib kacdoonkii ka fashilmey ee sanadii 2015.


Kacdoonka Suldaanka oo ahaa kii ugu horeeyay ayaan loo adkeysan dhibta ay keento kacdoonada noocana oo u baahan diyaarin fiican.

Waxaadse moodaa in hadda laga soo fikirey dibna loo saxayo qaladaadii ka yimi kii hore. Qaladaadka ugu weyn ayaa ahaa in ay dhaafi waayeen Boorama iyo agagaarkeeda, taas oo uu ku lumiyay taageeri badan waayo dadka Boorama uma baahna in dhexdeeda la isku qabsado.


War badan kama ogi waxa hadda isbedeli kara waxaanse qiyaasayaa fashil kasta waxa looga faaiideystaa in cashar lagu qaato.

Suldaanka ayaan bixin faahfaahin waxa hadda soo rogaal celiyay wuxuuse sheegay inuu gadaal ka sheegi doono wuxuu la maqnaa. Waana hadal reer Awdal ka dhursugayaan

Hadalka Suldaanka ayaa dhabarjab weyn ku ah Muuse Biixi oo dagaal u gaara jegaanta kula jira Puntland, aadna u liita ciidan ahaan iyo hub ahaanba.


Mana awoodo Muuse BIixi inuu laba jiho dagaal kaga furmo asago ta Puntlandba taag u hayn oo Dhulbahante badan dagaalka ku jiraan.

Inkastoo aan la ogeyn qorshaha cusub ee Suldaan Wabar oo taageero ka haysta inta badan qurbajoogta iyagu la socda xaalka ay ku sugan yihiin shacabka gobolada Awdal.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.