X

Kooxda Xalane waxay Somaliya la rabtaa waxa ku dhacaya reer Afqaanistaan

Waxaan baryahan la soconaa in ururka argagixisada ee Taalibaan oo Marayanku dib u hubaynayo ay qabsadeen gobolo ka mida Afqaanistaan markii ciidankii Afqaanistaan ee looga tagay hubka yaryar ay goobta ka carareen.


Argagixisada jaahiliinta ee Taalibaan ayaa ku dhow magaalada labaad ee dalkaasi ee Qandahaar ee ay u badan yihiin qabiilka Bashtuunka ee inta badan degan ilaa Bakistaan.

Haddaba maxay tahay guuldarada haysata ciidanka Afqaanistaan oo dal aad u fiqiira ah


Ilaa intii ay joogeen dalka ciidamada xulafada Naato waxa dalka laga ilaalin jirin inuu soo galo hub ayna wadan iyagu, waxayna taasi keentay in argagixisada isla markiiba la eryado dugsiyadana dib loo dhiso ayuu yiri Xuseen Warsame.

Ciidanka dalkaasi ayaa haba yaraatee loo ogoleyn inay dhismaan, keliya waxa la dhisaa askar qaawan oo marka argagixisadu soo weerarto kala yaaca oo la mida kuwa hadda Maraykanku ku tababaro dalkeena.


Hadda waxa Maraykanku qaatey oo la baxay dhamaan hubkii waaweynaa oo dhan waxa keliya oo Turkiga looga tagey madaarka Kaabul oo la yiri ilaali ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Marka dalkeena la fiiriyo waxa hubka waaweyn wata ciidanka Afrikaanka loomana ogola ciidanka la soo tababaray in hubkaas looga tago.

Dhawaan ayaa ciidanka Yugaandha ka baxeen xero ku taal Shabeelaha hoose ayagoon sugin inta ciidanka qaranku imaanayo goobta, kadibna waxay canaan la dul dhaceen ciidanka qaranka ayagoo ku eedaynaya inay xajisan waayeen, ma oga in ciidanku ka saaray argagixisada Bacaadweyn keligood.

ā€¯Waxay la rabaan Somaliya waxa ka socda Afqanistaan ee taas hala ogaado ayuu leeyahay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.