X

Wadamada Bolan iyo Hangari oo diidey weynaynta khaniiska iyo ninow naaga iyo hanjabaad

Midowga Yurub ayaa habjabaad u direy wadamada ku jira isla midowha reer Yurub ee Bolan iyo Hangari oo iyagu diidey weynaynta khaniiska iyo ninow oo dhamaanba bedelay erayadii dhaqanka ahaa sida guurka iyo musqulihii kala lahaa ragga iyo dumarka.


Labadan wadan ayaa aad uga xanaaqay in caruurtooda caadi looga dhigo khaniiska ninka iyo naagta iyo ninow naaga ama naag nin isku ekaysiisa. Ingiriiska oo cashar sidaasa rabay inuu u bilaabo caruurta ayaa la kulmay caqabado waaweyn, waxase uu ku jiraa wadamada ugu horeeya ee horboodaya arintan.


Bolan iyo Hangari ayaa loogu hanjabay ganaax iyo in laga saari doono midowga Yurub, waxana durba laga joojiyay lacagaha ay bixiyaan midowga Yurub ee dalkasta la siiyo.


Inkastoo hogaamiyaha Hangari ku ad-adagyahay soo galootiga iyo Muslimka haddana waxa lagu amaanay inuu hormood ka yahay la dagaalanka khaniiska iyo ninow naaga oo reer galbeedka waxa keliya ee ay u dhoofiyaan aduunka iyo weliba wadamada Muslimka ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.