Ugu yaraan 40 qof ayaa loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho. Dadkan oo isugu jira haween iyo caruur ayaa laga kala keenay degmooyinka Waaberi iyo deegaanka Kaxda, waxayna u badan yihiin dad masaakiina oo soo barakacay.
Dadkan ayaa ku sumoobay Boorash laga kariyay Jikooyin ku yaalla labadaa degmo oo inta badan ay walaaqaan da nadaafadu ka fogtahay, waxay kariyaana aan tayo lahayn.
“Waxaan ku suganahay caawa Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan dad ku sumoobay Boorash ay cuneen, dadka waxaan uga digeynaa inay isticmaalaan Boorashka, baaris dhab ah ayaan sameyn doonaa”. ayay tiri Basmo Caamir.
Hay’adaha gargaar ku sheeg ee dalka ka hawlgala qaarkood ayaa mararka qaar bixiya Cunto waqtigeeda dhaafay oo dhacay, waxayna ka faaiideysanayaan burburka, ayagoo ka hela boqolal kun oo lacag cadaana ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS