X

Kulan barlamaanka Somaliya kaga doodi lahaa arinta siyaasadeysan ee Qalbi Dhagax oo fashilmey

Kulan barlamaanka Somaliya kaga doodi lahaa arinta siyaasadeysan ee Qalbi Dhagax ayaa fashilmey.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano yimid haddana aan saxiixin buuga taasina ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.



Ciidamo milateri iyo boolis isuga jira ayaa la soo dhoobay waddoooyinka muhiimka ah ee magaalada iyadoo inta badan waddooyinkuna ay xirnaayeen maanta.

Xildhibaannada qaar ayaa ku eedeeyay xukuumadda in taasi ay uga gol-laheyd in xildhibaannada ay u suurageli wayso inay yimaadaan dhismaha baarlamaanka.

Sidoo kale weriyayaasha ayey ku adkaatay inay tagaan dhismaha baarlamaanka ayadoo la fiirinayo dhinaca amniga ay waqti qaadanayso in ay layska hubiyo cida ay yihiin.

Xildhibaanada tagey xarunta ayaa iyagu ciyaaray kaalintooda dimoqraadi diideyna in ay saxiixan buuga halka kuwa codsanayay in laga doodo ay tiradoodu yarayd.



Fashilkan ayaa loo aanaynaya in xildhibaanada badankoodu dareensan yihiin in ay jirto xaalado ka adag tan dalku ku sugan yahay halkii waqti lagu lumin lahaayeen nin Itoobiya ka soo jeeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.