X

Kulan dhexmaray Xasan Sheekh iyo xildhibaanada oo fashil ku dhamaaday kadib markuu diiday inuu ceshado mooshinka

Muqdisho 22 Nov 2014–Kulan xalay ka dhacay Muqdisho oo ay kulmeen Xasan Sheekh iyo xildhibaanada isagu wato iyo kuwa diidan ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii uu diiday inuu ceshado mooshinka uu ka keenay raiisal wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn la kulmay Xildhibaanada mooshinka ka geeyay Xukuumada, kuwaasoo ay is dhaafsadeen arrimo kala duwan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanadu la sheegay inay shaki ka qabaan daacad ahaanshaha Gudoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay xubno ka socday Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka, kuwaasoo fikir ahaan qaba in mooshinka laga soo abaabulay Madaxtooyada, waxaana uu Madaxweynaha ka dalbaday inay joojiyaan buuqa iyo fowdada, isla markaana la ixtiraamo shuruucda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku afgaran waayay kulankan, iyadoo Xildhibaanada ay diideen codsiga Madaxweynaha ee ahaa inay is xakameeyaan, isla markaana ku adkeystay in mooshinka aanu meel mari doonin, maadaama aanu sharci ku imaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.