X

Ururka shabaab oo 28 bas la socday ku xasuuqay meel u dhow magaalada Madheera ee xadka Kiiniya

Madheera 22 Nov 2014–Argagixisada shabaab ayaa sheegatay xasuuq ka dhacay xadka Kiiniya kadib markii dad aan waxba galabsan oo bas la socday la joojiyay kadibna hal hal madaxa looga toogtey. Argagixisada ayaa la sheegay in ay eryadeen baska oo ay la socdeen Somali iyo dad aan Somali ahayn waxana la waydiiyay in kuwa aan Somalida ahayn inay akhriyaan quraanka markay garan waayeena waxay ka toogteen madaxa ayuu yiri dad iyagu la socday baska.

Baska ayaa la sheegay inuu ku socday Nayroobi waxana lagu joojiyay dhexda inkastoo basku xawaareeyay hadana wuxuu galay dhooqo taas oo saamaxday in argagixisadu soo gaarto.

Waa xasuuq kii ugu xumaa oo loo gaysto dad danahooda wata safarna ah. Argagixisada shabaab ayaa sheegatay kuna macnaysay xasuuqa dadka safrayay in ay uga aargudayaan masaajid ciidamada Kiiniya ay galeen.

Dawlada Kiniya ayaa shegtay in ay ku dabajirto dhiigmiitratada.

C/llaahi Warmooge

admin:

This website uses cookies.