07/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kulan Nayroobi ka dhacay oo wafti Somaliland ka socda la galeen beesha caalamka oo talo ku soo xirmey

Wafti dhawaan UN-tu u balamisey Somaliland safaarada reer galbeedka kuwooda daneeya arimaha Somaliya ayaa ku soo dhamaaday talo la soo siiyay maamulka Somaliland. Sida wararka aan ku helayno waxa waftiga la hordhigey suaalo adag oo ay ka bixi waayeen oo ay ugu horeyso NABADGELYADA, xoriyada saxaafada iyo idaacada coda Maraykanka ee maamulku xirey.

Waftiga ayaa ugu dambeyn la soo siiyay arimo ay fuliyaan oo ay ugu horeyso kuwa kor ku xusan waxana loo balan qaaday in wax laga qaban doono waxyaabaha ay dalbadeen oo ay ugu horeyso lacag ay ku qabsadaan doorashada, kuna weeraraan Khaatumo State iyo AWdalstate.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM