X

Kulanka barlamaanka oo la shaaciyay xilliga uu dhacayo iyo qorshaha horyaala

Kulanka barlamaanka ayaa markale la shaaciyay xilliga uu dhacayo iyo qorshaha horyaala. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Muudey ayaa warqad u qorey dhamaan xildhibaanada.



Inkastoo aan weli la shaacin in ay burbureen wadahadaladii lagu dhex dhexaadinayey xildhibaanada oo ay wadeen gudi ay soo Magacaabeen Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa 1aad Cabduweli Muudeey ayaa hadana warkan soo baxay.



Gudoomiye ku xigeenka 1aad waxa uu Xildhibaanada ku wargeliyey in Maalinta berito ah la qaban doono kulanka Baarlamaanka isla markaana cod loo qaadi doono mooshinka ka yaalla gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Taageereyaasha Jawaari ayaa talo ku godan tahay waxa kaliya oo u furan in ay fowdada sii wadaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.