X

Waxa dib u furmay bahdilkii qaranka iyo shirarkii Nayroobi

Hay’adda Maraykanku maamusho ee isku sheegta lacagta adduunka yaa farta ugu yeertay Xasan Culusow iyo wasiiradiisa kuna balamisay Kiiniya ayadoo ka kibirsan inay timaado dalka oo kharash geliso.



Shirka oo maalinta Axada ka dhici doona Nayroobi ayaa waxa tagaya wasiirka maaliyada Dr Cilmi maadaama qabkii iyo dawladnimadii ay burburtey oo hadda NGO dib loogu noqday.



Sheekadan Nayroobi waxa soo afjaray madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo waana dagaalku meesha uu uga socday ilaa markii dambe ay ku guulaysteen inay keensadaan horgale Xasan Culusow.

”Runtii waa foolxumo dib u soo noqotey dal xor sheeganaya in arimihiisa qaranka loo tagayo dalkale ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.