X

Kurdiyiinta Suuriya oo isku dhiibey ciidanka dalkooda

Kurdiyiinta Suuriya ayaa markale dib u  inay  u ruxaya calanka dalkooda sheegayna inay isku dhiibeen ciidankooda xooga dalka si ay u joojiyaan weerarka Erduqaan iyo maleeshiyada Akhwaan muslimiin ku qaadeen xuduuda dalkaasi. Turkiga ayaa soo galay xilli ciidanka  Maraykanku lahaa ay Ka baxeen aagaasi.


Waxa laga baqayaa boqolaal argagixisada ah oo Kurdiyiinta hayaan inay baxsadaan oo raacaan ciidanka Erduqaan ee xooga weyn. Tayib Erduqaan ayaa sheegay in Kurdiyiinta yihiin argagixiso gacan siinaya Kurdiyiinta ku nool dalkiisa.

Inkastoo Kurdiyiinta beeniyeen sheegashada Dayib Erduqaan waxa haddana shaki ku jirin inay sheeganayaan dhul balaadhan oo ay leeyihiin Carabtu, waana Ka mideysan Carabta iyo Turkiga.


Si kastaba ha ahaatee waxa laga baqayaa in dagaal dhexmaro ciidamada Turkiga iyo kuwa Suuriya ama in Tirkigu hakiyo weerarkiisa mar haddi hadafkoodii fuliyeen

Dayib Erduqaan ayaa wata maleeshiyo Suuriya diidan tahay oo ah Akhwaan Muslimiin laga saaray gobolada Bariga ee dalkaasi haddana ay ku jiraan xadka dalku la wadaago Turkiga.

Ciidamada Suuriya ayaa hadda gaaray magaalooyin ku yaala xadka ay Turkiga la wadaagaan kadib markii Kurdiyiinta isku dhiibeen. Lama dilayo in Dayib Erduqaan qabsado magaalooyin ciidanka Suuriya haysto. Tani waxay keenaysaa Suuriya oo dib u midowda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.