X

Kuuriyada Woqooyi oo gantaal saxa ugu hanjabtey Jabaan

Wadanka aadka u xooga weyn ee Kuuriyada Woqooyi ee miisaaniyada uu ku shaqeeyo ay ka yartahay boqolkiiba boqol ta Jabaan ayaa gantaal saxa ugu hanjabtey. Hanjabaadan ayaa timi markii sida Kuuriyada Woqooyi sheegtay uu Jabaanku kala garan waayay gantaal iyo madaafiicda ridada dheer.



Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabisay madfac ridadiisu dheertahay oo ay adag tahay sida loo soo rido. Dhawaan ayay ahayd markii Kuuriyada Woqooyi tijaabisay gantaalaha laga rido gujiska.

Tijaabada gantaaladaas gujiska ayaa ka dhigaya dal aan siyar loogu hanjabi karin una baahneyn inuu sameeyo gantaalo rido dheer. ”Xataa dadka caadiga ayaa kala garanaya gantaal iyo madfac waxay kala yihiin ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartey Kuuriyada Woqooyi.



”Raiisal wasaaraha Jabaan waa xawayaanka keliya ee nool aduunyada waana kan ugu doqonsan inta taariikhda la ogyahay ayaa la sii raaciyay qoraalkaas Kuuriyada Woqooyi.



Tijaabada gantaalada iyo madfacyada ayaa Kuuriyada Woqooyi kordhisay intii uu fashilmey kulankii iyaga iyo Xagjir Taram.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.