X

Taliye xaaskiisu u qarisay cudurka keena Aydhiska oo la dalacsiiyay

Dhawaan ayay ahayd markii dhamme Bashiir Cismaan Cawad uu saxaafada u sheegay in naag xaaskiisa ahayd oo xalaal uu ku guursaday ay u qarisay cudurka keena aydhiska ee afka qalaad lagu soo gaabiyo HIV.

Cudurka ayaa la dagaalama difaaca jirka ilaa uu burburiyo marka dambe lamana ogaan Karo in qofku qabo ilaa laga baaro ama uu isa sheego.


Bashiir ayaa sheegay inuu cafiyay xaaskaas u qarisay cudurka dilaaga ah oo uu xataa sii gaarsiiyay gaariga u qaadi lahaa deegaankooda.

Ku xigeenka horjoogaha Butlaan Axmed Karaash ayaa Bashiir u dalacsiiyay gaashaanle. Warqad Ka soo baxdey xafiiskiisa ayaa lagu sheegay inay tani timi kartida iyo hufnaanta uu muujiyay.


Taliye Bashiir ayaa ah taliyaha saldhiga Galbeed ee magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Butlaan, waxsna dalacsiintan timi maanta oo Ku beegan la hortaga cudurka. Axmed Karaash ayaa sheegay in qofkii lagu arko asagoo faquuqaya dadka la nool cudurka loo aqoondan doono dambiile.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.