X

Laacibka Jarmalka ee Mesut Oosil oo ka farxiyay masaakiin Soomaali ku jirto

ST ALBANS, ENGLAND - NOVEMBER 29: Mesut Ozil of Arsenal during a training session at London Colney on November 29, 2019 in St Albans, England. (Photo by Stuart MacFarlane/Arsenal FC via Getty Images)

Laacibkii xulka qaranka ee Jarmalka kana soo jeeda Turkiga haddana u ciyaara kooxda Arsanaal ee dalka Ingiriiska ayaa ugu deeqay afurin kumanaan isugu jira Turki, Suuriyaan iyo Soomaali. Mesut ayaa bixiyay lacag dhaafsan boqol kin oo doolar oo Ku wareegay hay’adda bisha cad ee Turkiga.


Lama garan karo xilliga hay’adda bilaabi doonto afurinta dadkaan masaakiinta ah. Magaalada Muqdisho ayaa ugu weyn halka laga qaybin doono deeqda uu ciyaaryahanka ku deeqay. Mesut ayaa usbuucii qaata 500 oo kun oo doolar marka boqolka kun koob shaaha ayay la tahay xagiisa.


Mesut Oosil ayaa Iska casilay xulka qaranka ee Jarmalka kadib markii uu saxaafada dalkaasi kala kulmey cunsuriyad. Jarmalka ayaa la garaacay ciyaatihii u dambeeyay ee caalamiga ahaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.