Wararka aan ka helayno degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad kacsanaana oo ka dhalatey wadahadalka gaaladu wadatey ee Farmaajo iyo Muuse Biixi. Inkastoo fashil uu ku dhamaaday wadahadalkaas Maraykanku watey, waxa jirta cadho ka dhalatey magaca lagu tagey.
”Adeer xiisada ka jirta Laascaanood ayaa ah mid dadku rabaan inay dibedbax ka sameeyaan shirkaas lagu galay magaca Somalilaan oo lagu darsaday Sool ayadoo aan ognahay in shirkaas cid matasha ayna ka joogin ayuu yiri C/raxmaan Cilmi oo jooga Laascanood.
Waxase magaalada lagu soo dhoobey ciidamo dheeraada oo joogsaday wadooyinka si ay uga hortagaan banaanbaxaas ayuu raaciyay.
Tan markii Farmaajo afka u furey Muuse Biixi oo aan haysan taageerada beesha Isaaq waxa jirtey cadho ka dhalatey sida loo afduubtey magacaas qaasatan gobolada Sool iyo Sanaag. Ilaa hadda ma jiraan iska hor imaad u dhexeeya dadka iyo askarta la keenay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay