Maxkamada ciidanka ayaa xukun ku haboon ku riday laba ka tirsan dhiigmiiratada argagixisada shabaab oo waxyeelo u gaystey dad shacaba.
Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir ayaa si toosa uga shaqayn jirey aaga Balcad iyo Basra oo ka tirsan Shabeelaha dhexe. Waxay dadka ku dhibi jireen aagaas.
Kadib weerar ay soo qaadeen ayaa labada dhiigmiirad lagu dhaawacay kadibna la qabtey. Labadan dhiigmiirad ayaa lagu xukumey xabsi daa’in, dhibka ay shacabka u gaysteen.
Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiirato sidana la xukumo inkastoo xabsiga dhexe ee Xamar ay lacag bixiyeen kadibna isku dayeen inay jabsadaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay