X

Laba dumara oo lagu qabtey xasuuq ay u fulinaayeen argagixisada

Hawlgal qorshaysan oo ciidanka dawlada Somaliya ka sameeyeen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan qarax argagixisadu maleegaysay.

Saraakiisha howgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in xilliga la qabanayay ay wadeen qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganley.


Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in xubnaha la qabtay ay ku jiraan Labo dumar ah, isla markaana lagu haayo baaritaano intaasi kasii dheer.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab.


Dhawaan ayay ahayd markii ay qabteen gaari dameer lagu soo raray walxaha qarxa. Argagixisada ayaa looga adkaadey dagaal toosa waxana haray in looga adkaado dagaalka is qarxinta iyo qaraxyada inkastoo adag yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.