X

Laba gabdhood oo walaalo ah oo Puntland ugu dhintey gudniin

Laba gabdhood oo walaalo ah ayaa Puntland ugu dhintey gudniin lagula kacay jirkooda. Labadaan gabdhood oo da’dooda lagu kala sheegay 1o iyo ii jir ayaa jirkooda lagu jarjaray tuulada Carawda.

Markii jirkooda la jarjaray (gudey) ayaa waxa ku yimi dhiigbax aan joogsanayn, intii isbitaalka loola cararaayay ayay wadada ku dhinteen ayay tiri haweenayd wadey labadaan gabdhood ee caruurta ah.


Gabdhaha Somaliyeed ayaa lagula kacaa tacadi jirkooda loo gaysto ayadoo dhaqankan aan diin shaqo ku lahayn RABINA qalad ku abuurin xubin ka mida jirka bani aadamka.

Laba bil kahor ayay ahayd markii gabadh kale sidan oo kale ugu dhimatey Galmudug markii la jarjaray xubnaheeda.


Lama hayo qiyas ahaan tirade gabdhaha ee u dhinta jarjarid lagu sameeyo jirkooda Somaliya oo dhan guud ahaan. Dawlada diciifka ee Somaliya ayaa sheegtay in ay maxkamad saari doonto.

Waxa sii kharibey la dagaalanka gudniinka lagula kaco gabdhaha dawlad la’aanta ayadoo maamulada jufada ku dhisan ayna awood u lahayn inay qaataan talaabooyin lagu xirayo haweenka tacadiga wada oo iyaga ka ahayn wax xumee.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.