X

Wadani iska yeel ayaa badan

Markuu buuxsamay tareenkii ka soo baxayay Faransiiska una socday Ingriiska, si lama filaan ah waxaan ag fariistay naag Faransiis ah iyo nin ingriis ah, naagtii cabsi iyo wal wal ayaa wajigeeda ka muuqday, ninkii ag fadhiyaa wuxuu ku yiri maxaad u wal walsantahay.


Naagtii waxay ku jawaabtay lacag toban kun oo doolar ayaan wataa lamana ogola, ninkii wuxuu yiri noo kala qaybi cinwaankagana isii guriga aad dagaysid hadii aan la i baarin qaybteyda waan kuu keenayaa, meeshii ayay lacagtii ku kala qaybsadeen.

Markii la soo gaaray askarta Ingriiska ee xadka, ninkii asagaaba u yeeray askartii wuxuuna ku yiri naagtaan lacag badan oo aan la ogoleen ayay wadataa qaybna anaa u haya inta kalena ayadaa hayso mana jecli wadankayga in la qiyaano wadani ayaan ahay,


Askarigii wuu baaray mise waaba run oo waa siduu ninka sheegay, lacagtii ayuu ka qaaday, kadibna ninkii ayuu u mahad celiyay wuxuuna yiri sidaasaa lagaa rabaa wadaninimada hakugu waynaato,

Markii Ingriiska la gaaray labo maalin kadib ninkii wuxuu tagay naagtii gurigeeda markaas ayay ku tiri maba xishoonaysid indha adeegaaga maxaa iga soo doontay.


Ninkii intuu dhoola cadeeyay ayuu u dhiibay baqshad ay ku jirto shan iyo toban kun oo doolar wuxuuna ku yiri waxaan waday boorso lacag 3 malyan oo doolar ku jirto marka taas ayaan u baqay in la baaro ee raali ahow.

Mararka qaar qofka ka hadlaayo wadaninimada waxaa laga yaabaa inuu asaga tuug wayn yahay oo ku dhuumanayo. Waa fariin ku socota madaxda Somalida burburka kadib.

Waa qalinkii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.