Laba haween oo Somali ah ayaa xukuno dhaadheer gosha loo geliyay dalkaasi Kiiniya gaar ahaan magaalada Mandheera ee Woqooyi Bari. Haweenkan oo lagu kala magacaabo Xaliima Aadan Xasan iyo Kheyrta Ibraahim Cali ayaa la sheegay in dembiga ay qirteen.
Haweenkan aya sida la sheegay waxaa lagu soo oogay inay gabar yar oo 10-jir ah ka soo tahriibiyeen Somaliya dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee Maajo.
Waxana la sheegay inay gabadhaasi rabeen inay si been abuura ugu dhoofiyaan Nayroobi kana kaxeeyaan Mandheera. Xaliima Aadan Xasan ayaa la sheegay inay gabadha yar ka dhoofin lahayd Garoonka Mandera bishii hore 29-keedii.
Garsooraha Maxkamadda Mandheera waxa uu Labadaas Haweeney ku kala xukumay min 30-sanno oo Xabsi ah ama inay bixiyaan min 30 million oo lacagta Kiiniya ah.
Haweenkaasi ayaa siiyay muddo 2 isbuuc oo ay rafcaan kaga qaadan karaan Xukunkaasi.
Lama sheegin waxay gabadha ugu qaadayeen Nayroobi. Waxase lagu qabtey waraaqo been abuura ayadoo mid iska dhigtey inay dhashay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS