X

Laba madaxweyne oo hore u fashilmey oo isbahaystey

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Somaliya kaga soo haray hog weli ay ka soo bixi la’dahay ayaa samaystey hal xisbi. Waxaadse is weydiin kartaa waxa ay soo kordhin karaan mar haddii ay hore u fashilmeen.


Hadaan tusaale ukla soo qaadeen waxyaabaha dhacay xilligii ay ahaayeen horjoogeyaasha dalka. Waa xilligii Somaliya lagu fuliyay xeyndaabyada ay hadda iska furi lahaayeen.

Waxa kow ka ah dastuurkii qarankii oo la tuurey laguna bedelay midkii gaalada oo Af-Somali lagu bedelay. Sheekada Federaalka oo lagu bilaabay samaynta maamul jufeedyada dulin ku ah.


Sheekada Aqalka sare oo la dhaqan geliyay ayadoo boosaska mida ay fadhiyaan kuwo dalku ka dayi waayay ayna ku baxayso boqolaal kun oo doolar oo la gelin lahaa meelo uga haboon.

Waxaan is weydiin kartaa kuraasta beesha Hawiye miyaa lagu khamaarayaa ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga. Koley ani cod igama helaan xataa hadday dadka ka soo haraan ayuu raaciyay.


”Xasan Sheekh miyaa lala xisaabtamay kaalinta uu ku lahaa saldhiga Berbera ayuu is weydiiyay Cali Calasow.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.