15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Laba musharax oo gobolka Awdal u soo galay aqalka sare

Doorashadi manta ka dhacday Muqdisho ee gobolada Woqooyi ayaa waxa ku soo baxay laba musharax oo AWdal u matali doona aqalka sare. Labadan musharax oo inta badan degan Muqdisho ayaa kala Ayuub Ismaaciil iyo Deeqa Xasan.



Ayuub Ismaaciil ayaa la tartamayay ilaa seddex musharax kale oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo kala ahaa Xuseen Ceelaabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi iyo Axmed Cabdi Faahiye. Ayuub Ismaaciil oo ah nin dhalinyaro firfircoon ayaa helay 39 cod, sidaasi ayuuna ugu guuleystay kursiga beeshiisa.



Deeqa Xasan Xuseen oo ka mid ah gabdhaha ka soo shaqeeyay arrimaha waxbarashada iyo xuquuqda haweenka ayaa u guuleysatay kursi ka mid ah kuraasta aqalka sare kadib markii ay ka guuleysatay Hodon Abuukar Xasan iyo Amran Cilmi Fariid Nuuro Faarax Jamac ayaa ka mid ahayd senatarada maanta la doortay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS