18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Labaatan sano iyo dheeraad kadib dagaalkii dhexmaray Ruushka iyo gobolka Jejniya iyo sida gobolku yahay hadda: SAWIRO

Horaantii sagaashanaadkii kadib burburkii ku dhacay dalkii xooga weynaa ee Midowgii Soofiyeeti waxa dagaal aan sidaa u weyni ku dhexmaray gobolka Muslimiintu u badan yihiin ee Jejniya iyo ciidankii Ruushka.

Waxa gobolka siiba caasimada Grosni qabsaday kooxo hadda la ogaadey in ay yihiin argagixiso oo rabey in ay Ruushka ka go’aan..waxana weerar ku soo qaaday ciidanka Ruushka waase lagu jabiyay dagaalkaas.

Sababta loo jabiyay ayaana ahayd maaheyn in laga awood weyn batey waxayse ahayd qalalaase siyaasadeed oo ka jirey Ruushka oo dhan iyo ciidanka oo aad u niyad jabsanaa.

Waxase batey faanka argagixisada iyo gobolkii oo noqdey gobol argagixisada ka yimaada Afgaanistan, Carabaha iyo Bakistaan ay hoy ka dhigtaan ay ka weeraraan Ruushka iyo gobolada kale ee Muslimka ah ee ka mida Ruushka.

Weerar rogaal Celina oo Ruushku ku soo qaaday caasimada Jejniya iyo argagixisadii ku jirtey ayaa keenay in guri kasta oo ay galaan oo qori ka soo ridaan lagu dumiyo.

Ruushka ayaa gebi ahaanba burburiyay goobihii argagixisadu ku dhuuman jirtey waxayna markii dambe dileen madaxweynaha hadda aabihii oo wadey ama hogaaminayay kooxihii argagixisada ahaa ee gabaad ka dhigtey hantida dadweynaha iyagoo diin sheeganaya.

Sawirada hore waa markii caasimada dhulka lala simey iyo kuwa dambe oo ah sida hadda gobolka iyo caasimadu tahay iyo waliba masjid weyn oo dawlada gobolku ka dhistey bartamaha magaalada.

hytiunniofdsedcxqawuyixreavgtcsaa

HADANA sawirada sida ay tahay caasimada Jejniya ee Grosni. waxaanad is waydiin kartaa halkey mareen kuwii beenta loogu sheegay gobol gooniya ayaa ahaan doontaan Ruushka waad qabsan kartaan. Maxayse u qabteen dadka kor aad ku arkeysaan in ay rafaadeen.

csaynutrcdtynutroikolm

Muslims pray as they take part in a rally against the publication of cartoons of the Prophet Mohammed by French weekly Charlie Hebdo, in the Chechen capital of Grozny on January 19, 2015. Tens of thousands of people rallied on January 19, 2015 at a state-sponsored protest in Russia's Muslim North Caucasus province of Chechnya, against the January 14 publication of Prophet Mohammed cartoons on the cover of the weekly's first issue following the deadly attack on its Paris office by two jihadist brothers. AFP PHOTO / YELENA FITKULINA

ytcauhbv

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS