X

Labada maamul ee Puntland iyo Jubba oo soo dhaweeyay go’aankii uu qaatey Xasan Sheekh

Labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubba dhinacna is xigsada siyaasad ahaan inkastoo marar kala jabaan ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xasan Sheekh gaaray isagoo taageero ka helaya beesha caalamka oo damaanad qaaday heshiiskii u dhexeeyay maamul goboleedyada iyo Xasan Sheekh.

Warmurtiyeedyo ay soo saareen ayay ku raaceen Xasan Sheekh walibana ugu baaqeen in uu dhaqangeliyo maadaama beesha caalamka damaanad qaadey iyaguna yihiin kuwa maamulka Somaliya guud ahaan haya.

Lama garan karo sida loo dhaqangelin karo go’aan madaxweynaha Somaliya iyadoo laga boodey barlamaanka. Waxase taas wax ka taabtey ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u fadhiya Somaliya Maykal oo sheegay in uu hayo sidii loo fulin lahaa.

Somaliya ayaa hadda si toosa looga taliyaa Xarunta Xalane ee Muqdisho ee ayna geli Karin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.