X

Lacag dhabarka looga jabiyay musharixiinta madaxweynaha Somaliya

Kulan maanta loogu hiilinayo musharxiinta sida Xasan Sheekh iyo gudoomiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa waxa ka soo baxay go’aano lidi ku aha musharixiinta kale.

Xildhibaanadda dhawaan la dhaariyey ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa maanta Fadhi mideysan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacbiga ee magaalladda Muqdisho.



Kulankaasi ayaa looga hadlay Qoddobo ay ka mid yihiin Magacaabista Guddiyadda Doorashadda iyo Xeer-hoosaadka Doorashadda Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxtinimadda ee soo socota.

Kulankaasi oo saacado badan qaatay ayey Xildhibaanadda Labada Aqal isku raaceen Kharajka laga qaadi doono Murashixiinta Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxtinimadda.


Kharajka diiwaan-gelinta Musharixiinta Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenadda Labada Aqal ee Barlamaanka waxaa qofkiiba laga dhigay 15,000 oo Dollar.

Sidoo kale, Murashixiinta xilka Madaxweynaha waxaa la go’aamiyey in qofkiiba laga qaadayo Lacagta dxiiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.