November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Lacago la dul dhigtay laba argagixisada shabaaba oo xasuuq geystay

Saraakiisha amaanka dalka Kiiniya ayaa sheegay inay madaxooda dul dhigeen 8million oo shilinka wadankaasi Kiiniya kaas oo macluumad looga keenayo rag la sheegay inay afar yihiin kana dambeeyen weeraro ka dhacay Mandera gaar ahaan kuwii basaska lagu qaaday iyo maxjar ku yaala wadankaasi.

Afarta qof ayaa lagu kala magacaaba Abdullahi Issak, Idriss Issack, Ahmed Uweys iyo Mohamed Shide kuwas oo ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2014-kii bisha december lagu dilay 36 shaqaalaha maxjarka ku yaala Mandera.

Saraakiisha amaanka Kiiniya aya sheegay in ragaan ay yihiin kuwo hubaysan oo khatartoodi sareyso sidaa darteedna ay dadka macluumadka lasoo wadaagan ee suurta galin kara in lasoo xiro.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha amaanka Kiiniya ayaa shaaca ka qaaday in ragaan ay qorsheenayan weeraro ay ka geestaan xarumaha amaanka wadankasi Kiiniya.

kenyaa-1[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS