Lacagta lagu dhisayo xaruntii golaha shacabka ayaa Jawaari tilmaamey. Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dawladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.
Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudanyahay in uu yeesho guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa is weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban”.
“Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso” ayuu yiri Prof Jawaari.
Guddoomiyaha oo ay dhif iyo naadir tahay in uu warbaahinta la hadlo, ayaa dadweynaha uga jawaabayay su’aalo badan oo ay ka qabeen arrimaha baarlamaanka.
Guriga Golaha Shacabka ayaa la dhisay xilligii dawladdii Somaliyeed ee Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, guddoomiye Jawaarina waxa uu xusuustaa maalmihii wacnaa ee uu soo maray oo ay ka mid tahay markii gurigan lagu qabtay shirkii Midoowgii Afrika.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS