X

Lacagta Ruushka oo cirkaa gashay iyo reerka galbeedka oo fashilmay

Lacagta Ruushka ayaa cirkaa isku shareertay xilli wadamada reer galbeedka ee saaray cunaqabataynta ay hayso sixir bar kii ugu xumaa iyo lacagtoodii oo dhulka gashay. Haddaba waxaad is weydiinaysaa maxaa ku dhacay cunaqabatayntii ay ku faanayeen ee ay lahaayeen Ruushka waa kacayaa.


Lacagta Ruushka oo maalmihii ugu horeeyay ee cunaqataynta hoos u dhacday ayaa hadda xitaa ka sare martay halkii ay joogtey kahor hawlgalka Ruushku ka bilaabay Yukrayn.

Aqoonyahanada ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa ku tilmaamay siyaasada Ruushku ciyaaray mid boog xun ku noqotey reer galbeedkana dhaxasiisay inay sixir barar kii ugu xuaa ka qaadaan. Jarmalka ayaa dadkiisa faray inay u gooyaan qubeyska kulul oo ay hadda qaataan kan qabow.


”Talaabooyinka uu qaaady Ruushku sida inuu lacagtiisa wax ku iibsado, inay lacag saaida ka soo gasho maciishado uu awal aanu ka heli jiray waxay sababtey inay lacagtoodu cirkaa isku shareerto ayuu yiri Xuseen Warsame.



”Sida ugu fudud ee aad ku garan kartaa waxa weeyi dalku wuxuu aaminay lacagtiisa taasina waa ta guusha ugu badan keentay ayu raaciyay. Dhaqaaleyahanka Ruushka ayaa hadda aaminsan in Ruubalka sare u kacay aanu u fiicnayn dalka waayo waxa adkaanaysa badeecadaha ay iib geynayaan tani oo muujinaysa heerka uu gaaray dhaqaalaha Ruushka.

Halkii kuwii ku soo rogey ay sixir barar beerka u jiifaan dhaqaalahoodiina uu kordhi waayay ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.