X

Laxamiiste caan ah kana tirsanaa hoboladii Waaberi oo gawaadhida Amisom jiirtey: magaca hal-abuurkan

Laxamiiste caan ah oo gawaadhida Amisom jiirtey. Gawaadhida Amisom ayaa xawaare ku socda ayadoo wadooyinka ay maraa ay yihiin kuwo ciriiriya oo ay dadkuna dhex socdaan. Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gaari ka mid ahaa kolonyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho uu ku jiiray Hobolka weyn ee Jiim Sheekh Muumin.

Hobolkan oo caan ku ahaa heesaha, hal abuurka iyo laxanka ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray shilkan ay AMISOM geysatay. Dhaawaca fannaanka ayaa u badan madaxda waxaana la dhigay isbitaalka.

Jiim Sheekh muumin ayaa sanado ku xirnaa maamulka Somaliland iyadoo loo heystay fannaan kale oo uu dilay markii ay xabbad uga fakatay, waxaana lagu sii daayay dadaal ay galeen dad kal duwan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.