London ayaa joojiyay isticmaalka shirkada tagsiilaha ee Uber oo ay ku xoogsadaan dad badan oo iskood u shaqaysta. Uber ayaa ah aalad aad ka dalbanayso tagsiilaha.
Waxa inta badan lagu heli jirey tagsiilaha kuugu dhow muddo aan fogeyn. Intii ay soo baxdey aalada Uber ee tagsiilaha waxa jirey cabasho ka imanaysey tagsiilayasha wata gaadhiga madow ee Ingiriiska kuna doodayay in ay shaqadii ka istaagtey.
Duqa London ayaa isna ku dacwoonaya in dadka wada tagsiilayasha ku jira Uber aan aaminkooda aad loo baadhin taas oo dad badan ku qosleen. Somali badan ayaa u wareegtay Uber marki uu soo baxay.
Shirkada Uber ee aalada ku shaqaysa ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto. Waxa kale oo iyaguna suuqa ka baxay meelihii laga dalban jirey tagsiileyaasha.
Talaabadan ayaa ka soo horjeeda Ingiriiska ku dooda in dhaqaalahoodu furfuran yahay. Uber ayaa sheegay inn ay sii shaqayn doonaan kadib bishan wixii ka dambeeya.
Laysanka ay ku sdhaqeeyaan ayaa ku eg bishan dhamaadkeedka waxayse sheegeen madaxda Uber oo Maraykana in ay sii shaqayn doonaan. Waxa Uber u shaqeeya 40’000 oo shaqaale ah London kaliya.
Shirkadan aalada ku shaqaysa ayaa ka qaylisiisay aduunka badankiisa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS