X

Ma aqoonsan doono natiijada doorashada Kismaayo: Dawlada dhexe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa cadaysay mowqfkeeda ku aadan doorasho Axmed Madoobe ku kaliyaystey oo uu ka qaban qaabinayo Kismaayo. Axmed Madobe oo Kiiniya ku hayso Kismaayo ayaa musharixiinta badankood tagi karayn Kismaay hanjabaad awgeed.


Qodobada wasaaradu hordhigtey

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe hordhigtey sadex qof si doorashadu u noqoto midansaxa. Kiiniya ayaa lacag dheeraada ku bixisay si Axmed Madoobe meesha u sii joogo.

Waxa ka mid qodobadaas 1- In Odayaasha soo xulaya xildhibaanada la waafajiyo Diwaanka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya, 2- In Marka hore la soo dhameystiro xildhibaanada ka dibna ay iska dhex doortaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashooyinka Jubba iyo 3- In doorashu ku dhacdo si xor iyo xalaal ah.


Waxa wasaaradu ku soo gabagabaysay in ayna aqoonsan doonin wax baal marsan nidaamka u degsan doorashada maamulada iyo weliba qodobada kor ku xusan.

Axmed Madoobe ayaan aqbalayn qodobada kor ku xusan soona diyaarsaday odayaal isagu soo xuley iyo weliba kala doorasho musharixiniita imaan kara Kismaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.