X

Ma aqoonsanin wax la yiraa Somaliland: Itoobiya

Kadib muran ka dhashay khariidad ka horeysay dawladan Cabi Axmed soona faqdey shirqooladii uu maleegi jirey Tigreegii Milas Sanaawi ayaa Itoobiya shaaca ka qaaday inayna aqoonsanayn wax la yiraa Somaliland oo dhamaan maamulada jira hoostagaan dawlada dhexe ee Somaliya.


Tigree Milas Sanaawi ayaa ka buuxiyay wasaarada arimaha dibedda shirqoolo uu la wadaagay aduunka laakiin u suurtageli weyday inuu socodsiiyo. Waxana ku jirey inuu Somaliya sii kala jaro inta jirta si loo tirtiro wax qoomiyad Somali la yiraa.

Waxa ku jirey bogga wasaarada arimaha dibedda oo Tigreegii kaga tagay in maamulada Puntland iyo Somaliland ay yihiin ama ku sheegeen dawlado ay xiriir la leeyihiin. Taasna Itoobiya hadda way cadaysay inaan waxba ka jirin.


Waxayna taasi soo baxdey markii si lama filaana wasaarada arimaha dibedda uga soo baxdey khariidad uu ku darsaday Somaliya inteeda badan laakiin uu ka reebay gobolada Woqooyi ee uu rabay inuu ka jaro.


Dawlada Cabi Axmed ayaan marnaba ka suurtoobin inuu Somaliya sidaa ula dhaqmo ayadoo welli Tigreegu wado inuu isku diro qoomiyadaha Somalida, Canfarta iyo Oromada.

”Itoobiya ayaa rabta inay meesheeda ku aasto si dadka Somaliyeed marnaba uGu muujin colaad xilli dalka uu ka taliyo Cabi Axmed oo ah Oromo la rabasy in laga tirtiro dalka ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.