X

Meydka sadex caruura oo agoona oo laga helay Caabud-waaq iyo sida wax u dhaceen

Dhacdo aad looga naxay ayaa ka dhacdey degmada Caabud-Waaq ee gobolka Galguduud kadib markii la helay meydka sadex caruura oo la sheegay inay walaalo yihiin. Caruurtaan ayaa ku dhacay barkad biyo oo la sheegay inay u dabaal tageen.


Barkadaha biyaha loo qodo ayaa inta badan af-banaan ayadoon marnaba laga fikirin halista uga imaan karta dadka socdaalaya iyo kuwa kalaba.

Caruurta oo kala ahaa Laba Gabdhood iyo Wiil ayaa lagu sheegay inay ahaayeen kuwo isku-xiga, isla markaana da’dooda lagu kala sheegay 15 Sano jir ilaa 10 Sano jir.


Sida dadkii badbaadiyay ay sheegeen caruurtan ayaa agoon ahaa waxay barkada u tageen inay ku dabaashaan halka dad kalana sheegayaan sidii ay biyo uga soo dhaansan lahaayeen balse ay kuwada dhaceen kadibna lagu guulaystey in laga soo saro.

Caruurta agoonta ah ayaa isla maanta lagu aasay magaalada. Inkastoo ayna wax cusub ahayn dadka ku dhimanaya barkadaha afka furan ayaa haddana dhacdadan ay ka sii xuntahay caruurtaas oo agoon ahayd.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.