X

Ma fursad u soo baxdaa Muslimiinta inay ku midoobaan

Dawlada Maraykanka ee uu hogaamiyo cajuus Baydan ayaa sheegtay inay dib uga fiirsanayso xiriirka ay la leedahay Sacuudiga kadib markii uu ku giijiyay oo uu klu dalacay qiimaha saliida. ”Sacuudigu wuxuu la saftay Ruushka wuxuuna kor noogu qaaday saliida, waxana naga go’an inaan ka fiirsano dhamaan xiriirka aan la leenahay ayuu yiri afhayeen u hadlay cajuus Baydan.


Inkastoo xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo hogaankan cajuus Baydan ayan fiicnayn haddana talaabada uu Sacuuduigu qaaday waxay wadnaha goysaty Maraykanka waayo Maraykanku wuxuu ku fashilmay inuu dhaqaale ahaan burburiyo Ruushka waase ku fashilmay, asagoo sheegta inuu adduunka ugu sareeyo.


Sacuudiga oo ka jawaabay hadalada ka soo baxaya Maraykanka ayaa sheegay in talaabada saliida keliya ay tahay mid uu u qaaday dhinaca dhaqaalihiisa oo boqolkiiba 98 ku xiran saliida, laakiin Maraykanku wuxuu qabaa in hilfaha loo qaado Sacuudiga oo la gooyo xiriirka intiisa badan aan ka ahayn inta muhiimka ah.



Tan waxay ka dhigan tahay fursad u soo baxday ay wadamada Muslimiintu ee uu kala geeyay gaalka weyn ee Maraykanka laakiin sida hadda yihiin ayaa ka dhigaysa kuwa liita oo waxtari karin.

Labada wadan ee Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa midba kan kale u baahan yahay, inkastoo hal shay ay ka mideysan yihiin oo ah in Iiraan lala dagaalamo.

Rshiid Ceelaanyi

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.