X

Xulka kubadda cagta ee da’da 17 ee Somaliya oo wacdaro dhigey

Ciyaar xiise leh oo dhexmartey xulalka Somaliya iyo Yugandha ee da’doou ka yartahay 17 jir ayaa ka dhacday caasimada Itoobiya ee Addis ababa. Somaliya ayaan lahayn garoon amni leh oo lagu ciyaaro waa sida ay ugu ciyaaraan Addis ababa iyo Jabuuti.


Ciyaarta ayaa dardar ku bilaabatey waxa gool laga dhaliyay Somaliya kadib markii goolhayahs uu soo tuuray kadibna teed ama madaxa looga dhaliyay.

Daqiiqado kadib weerarka Somaliya ayaa dhexda ka qabsaday baas loo waday dhinaca kale kadibna si fiican u garaacay goolhayaha. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay hal iyo hal waxana loo diyaar garoobay gool ku laad.

Sida caadiga ah waxa la dhigaa gool ku laad, waxana Somaliya ku garaacday 8 iyo 7, ayagoo sidaa ugu soo baxay ciyaarta kama dambeysa oo ay Sabtida la ciyaari doonto Koofurta Suudaan.



Haddii ay koobka qaadaan waa markii ugu horeysat ee Soamliya qaado koob ka mida koobabka Afrika. Dabcan koobkan ayaa ah Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.