X

Ma jirto jaad laga keeno Kiiniya oo aan xayiraad ka qaadnay: Dr C/raxmaan Bayle

Wasiirka maaliyada dalka Somaliya Dr C/raxmaan Bayle ayaa sheegay inuuna marna soo hadal qaadin in jaadkii laga keeni jirey dalka Kiiniya ay fasaxeen laakin hadalkiisa si qaldan loo fasirtey.


ā€¯Xilli shalay Kiiniya si dadban u hubeysay maleeshiyo ay soo daroogeysay, waxa ummada isku qaban waayay cadowga noocaasa in loo furo dhaqaalaha dalka ayuu yiri Cali Calasow.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa in uu ka jawaabo jaadka hareeriga ee laga keeno dalka Itoobiya oo dad badan ay sheegeen in dad gaar ah uu u xiran yahay, waxana uu sheegay in cid walba ay soo degsan karto.


Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in cid walba oo dooneysa in qaad dalka keenta ay qaadato rugsada, sidoo kalena uu Canshuurta iska bixiyo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.