X

Kiiniya oo qiratey inay soo hubeysay maleeshiyadii daroogada la soo siiyay iyo kooxda musharixiinta

Afhayeen u hadlay ciidanka Kiiniya oo ka hadlaayay dagaalkii xalay maleeshiyada daroogeysan ee ay soo hubeeyeen ku soo qaadeen Beled-xaawo ayaa sheegay in qaybo badan oo Beled-xaawo la wareegeen.


”Maleeshiyadu horumar ayay samaysay ayadoo hub ka heshay Kismaayo ayuu yiri afhayeenku. Taas waxay kuu muujinaysaa in hubkii dawladu qabsatay uu ka yimi Af-madow oo Kiiniya gacanta ku hayso.

Waxay markiiba eeda ku rogeen in dagaalku u dhexeeyo kooxda Axmed Madoobe iyo dawlada dhexe ee Kiiniya ayna eed ku lahayn. ” Iyaga u taalaa waa dagaal ka socda gudaha Somaliya ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kiiniya.


”Waxaad is weydiin kartaa halkee maleeshiyadu ka timi oo gabaad ka dhiganaysay ma gudaha Somaliya mise Kiiniya ayuu yiri Cali Calasow.

Dhinaca kale kooxda madasha musharixiinta oo iyagu la jira Kiiniya ayaa ka naxay guusha degdega ee ciidankeenu gaaray.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.