15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ma ogtahay in Ingiriisku u fududeeyay shirkadaha xawaaladaha in ay Somalida dhacaan

Tan iyo intii argagixisadu weeraro ka gaysteen wadamada Muslimiinta iyo aan Muslimka ahayd waxa reer galbeedku adkeeyeen ilaha dhaqaalaha ee argagixisadu ka hesho taageerayaashoda dibeda ku nool.



Waxay taasi keentay in la soo rogo sharciyo badan iyadoo xataa xawaaladuhu ku sigteen in ay istaagaan siiba dalka Maraykanka oo bangigii kaliya ahaa ka xuidhey kaydkooda.



Sharciyada la soo rogey ee wali taagan waxa ka mida in dadku keenay sharciyadooda sida baasboorada iyo wixii la mida halka markii hore ayna taasi jirin.

Dadka Somalidu way ka qayliyen waayo xawaaladaha Somalida ma hayaan dad khibrad u leh xafidinta sharciyada dadka malaha xafiisyo lagu kaydiyo, taas oo Somalidu ku doodey in ay tahay nin sharcigiisa u gaynayo tuug wuxuu doono ku samayn kara, waase laga diidey.



Waxa kale oo xawaaladaha loo ogolaadey in ayna lacag doolar dadka ka qaban siiba Ingiriiska oo ay ,ka qabtaan kaliya lacag giniga Ingiriiska.

Waxayna taasi keentay in xawaaladuhu saartaan sarifka doolarka intey doonaan raacsadaana lacagtii dirista, taasi oo ka dhigin in qofka Somaliga ah uu dhacan yahay laba jeer, halkii markii hore uu dhacnaa markaliya oo ah marka laga qaadayo dirista oo aad u jaban.



Tusaale ahaan hoos u eeg heerka lacagta Ingiriisku joogto maanta iyo heerka Dahabshiil ku sarifayo doolarkooda oo ay dheertahay lacagtii dirista.

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS